Published: November 9, 2019
Xildhibaan C/xakiim Dhoobo Daareed oo 7dii bishan November ay xildhibaanada barlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Xigalool ee gobolka Sanaag oo habeenkii uu gaaray.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2019/11/DHOOBO-GUDDO-1024x838.jpg)
Guddoomiye C/xakiim wuxuu shir jaraa’id kaga hadlay arrimo ay ka mid ah xil-ka-qaadistiisii gollaha barlamaanka, Xaaladda Puntland, Shirar uu sheegay in laga hadli doono goboladda Sool iyo Sanaag iyo arrimo kale.
Wuxuu sheegay inuu weli yahay guddoomiyaha Barlamaanka Puntland.
HORSEEDMEDIA