Muxuu Ku Dhamaadey Shirkii u Horeeyey ee Guddiga Doorashooyinka Puntland? Warbixin

Published: September 11, 2023

Maantey oo isniin ah waxaa kulankii u horeysey yeeshey 12 xubnood ee guddiga doorashooyinka Puntland (PEC) ee magacaaban, waxaa ka maqnaa labada xubnood ee ururada Mideeye iyo Horseed oo aan soo magacaabin xubnahoodi.

Ajnadaha shirka markii hore ma ahayn mid cad maadaama PEC aysan weli dooran Xoghayaha PEC, sida sharcigu qabo, laakiin sida Horseed Media ogaatey waxaa ajande laga dhigey in la doorto guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaa dhibaato ku noqotey shirka PEC ee maanta in doorasho dhacdo, go’aankii soo baxay Maxkamadda sare ee lagu hakiyey xubintii Xisbiga Shaqaalaha Faadumo Siciid Axmed oo Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland lagu eedeeyey in isagu keensadey kadib markii u faro geliyey Xisbiga Shaqaalaha, waxa shirka ku soo harey 11 xubnood oo aad u kala qaybsamey.

Xisbiga KAAH oo doonaya waxkasta!

Xisbiga Kaah ayaa doonaya in ay wada qaataan guddoomiyaha iyo ku-xigeenka guddiga doorashooyinka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Cawl ayaa u ololeeyey in Guddoomiyaha uu qaato Fuad Abshir Adeer oo golaha wakiilada ka mid ahaa kana tirsanaa Xisbiga Kaah, waxaana uu ka soo jeedaa Burtinle, halka uu ku-xigeen u wato Axmed Jaamac oo ka soo jeeda Sanaag, labada xubnoodba isaga ayaa soo magacaabey.

Guddoomiyaha PEC cidda noqoneysa wax dhibaato ah kama taagna waana Fu’ad Abshir Adeer mana jirto cid kale oo hadda kula tartameysa, laakiin waxaa jaah-wareerku ka taagan yahay kursiga ku-xigeenka ee Guddoomiyaha golaha wakiiladu uu sida weyn ugu ololeynaayo xubin uu magacaabey oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo mar danbe soo baraarugey ayaa kulan dheer oo ay wada qaateen isaga iyo Abwaan Cabdirashiid Yusuf Jibriil ay isku fahmi waayeen. Axmed Karaash waxa uu isaguna wataa xubin uu magacaabey Madaxweyne Deni isaguna keenay, kaas oo lagu magacaabo Qawdhan Abshir Garaad, laakiin wax codad ah uma hayo, doodiisa oo dhan waxay noqotey xubintan SSC ayaa lahaan jirtey, halka Cabdirashiid Yusuf Jibriil uu istaagey waa tartan xubintu ee yaan farskaaga laga badin.

Xubnaha kale ee raadinaaya waxaa kamid ah Ubax Cabdullaahi Abshir oo ah qofka ugu khibradda badan xubnaha PEC marka laga hadlaayo arrimaha doorashooyinka waxay ahayd Xoghayaha TPEC, waxaa soo magacaabey Xisbiga Mustaqbal.

Cabdisalaam Bashiir oo horey Mayor uga soo noqdey Boosaaso sidoo kale soo noqdey Wasiir ku-xigeen ayaa isaguna raadinaya, waxaana soo magacaabey Xisbiga SINCAD, Cabdisalaam dooda ah in uu noqdo ku xigeenka waa mid weyn waxaana ku taageersan qaar kamid ah ururada.

Haddii labada xubnood ee ururada aan KAAH ahayn soo magacaabeen e UBAX Cabdullaahi iyo Cabdisalaam Bashiir midkood loo doorto ku-xigeen waxay noqon in ay kala riteen oo ururka KAAH wax u oggolaadey, laakiin waxaa sida qorraxda ayey u muuqata in arrintu u hagaagsan tahay Xisbiga Xaakimka ee KAAH in ay wada dubtaan dhamaan.

Labada urur SINCAD iyo Mustaqbal ee musharixiintaan soo magacaabey waxay Kaah la galeen heshiis ah in ay wada dhistaan maamulada magaalooyinka muhimka ah sida Boosaaso iyo Gaalkacyo iyo weliba magaalooyinka oo dhan, waxaa la is weydiinayaa si ay u helaan xubinta ku-xigeenka ma gadan doonaan kaarka isbahaysiga ay hadda wada galeen KAAH oo ma looga tanaasuli doontaa xubinta ku-xigeenka, haddii aysan uga tanaasulin KAAH, isbahaysigoodu ma sii socon doonaa?

Muddo xileeedka Xukuumadda Puntland iyo Baarlamaanka Puntland waa gabaabsi ma jiro heshiis siyaasadeed ee mucaaradka iyo xukuumadda Puntland u dhexeeya, qorshaha Madaxweyne Deni waa in PEC ay samayso Road map iyo xiliga ay doorashada qabanayaan ay ku dhawaaqaan, waxaa aad u adag in lagu qabto doorasho Madaxweyne iyo Golaha wakiilada ka hor 8 Janaayo, waxa u furan waa albaabka muddo kororsiga haddii dhankaas loo dhaqaaqo waxaa la furayaa albabaabkii naarta.

Mohamed Osman
Horseed Media