Maxay ahayd sababta Fahad Yaasiin uu saxaafadda uga dhuuman jirey?

Published: June 10, 2022

Taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya (NISA) ahaana La-taliyihii hore ee Madaxweynaha Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa bixiyay wareysi dhif ah oo lagu shaaciyay baraha bulshada.

Waraysiga lagu hadal hayo baraha bulshada waxa uu ku sharaxay sababta uu ugu caan baxay inuu ahaan jiray qof aamusan oo aan waraysi iyo war siin warbaahinta.

Arrintaas oo marar badan lagu dhaliili jiray ayuu u sababeeyay labo qodob.

“Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay. 

“Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn. In aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma hayninba,” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo waraysi siijnaayey Gaylan Media oo facebook laga daawado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *