Muxuu Yahay Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Tegitaanka Maxaas.

Published: September 4, 2023
Shares40

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xasan Shaeekh Maxamuud ayaa maalintii shalay gaarey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, si uu u dardargeliyo wejiga labaad ee dagalka ka dhanka ah argagxisada.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka soo jeedaa deegaanka Maxaas, ayaa VOA uga waramey ujeedka socdaalka Madaxweynaha.

Wasiirka ayaa sheegay in degmada Maxaas ay tahay meel muhim oo ku taalaa xuduud, waxaana ay horey qayb uga ahayd wejigii hore ee dagaalka, sidaas darteed, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku doortey in uu dagaalka ka hago degmada Maxaas, isla markaana sameeyo abaabul cusub oo lagu soo afjarayo al-Shabaab, iyada oo laga faa’ideysanaayo khibradda dadka reer Maxaas ayuu yiri Wasiirku.

Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in ay degmada Maxaas ku sugan yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macalin iyo xildhibaano kale oo ay la shaqeynayaan Madaxweynaha.

Waxaan dooneynaa ayuu yiri in aysan dhicin khaladkii ka dhacay Galmudug oo kale in uu halkaan ka dhaco, wasiirka ayaa tusaale u soo qaatey dagaalkii Cawsweyn waxaana uu ku tilmaamey isku xir la’aan in dhibataadadaasi u dhacdey.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka faa’ideysanaya khibradda reer Maxaas ayaa habeenkii xalay kulan dheer oo kelgiis ah la qaatey Cali Jeyte Cismaan oo sheegta Madaxweynaha dowlad goboleed uu ugu yeeray Hiiraan State. Cali Jeyte ayaa tirsanaaya in dulmi lagu sameeyey dadka Hiiraan dulimigaas oo uu geystey Madaxweynaha iyo beesha uu ka soo jeedo sida uu ku dooday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey ugu dhawaaqey in muddo shan bilood ah uu ku soo afjaraayo dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab isla markaana uu xaaqayo ayaa hadda isgaa soo tegey Galmudug, waxaana uu fadhi ka dhiganayaa Hiiraan.

Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in Madaxweynuhu doonaayo in uu dhawaan u baxo magaalada New York ee uu ka furmaayo fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, isaga oo horey u qorsheynaayey in uu shirkaas tago isaga oo al-Shabaab ka xoreeyey Galmudug oo dhan.

Horseed Media