Nairobi: Puntland oo Hay’adda CEFFA kala hadashay horumarinta wax soo saarka beeraha

Published: September 15, 2022
Shares66

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Axmed Shire Siciid ayaa magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan kula qaatay madax ka socota Hay’adda CEFFA.

kulanka oo ujeedkiisu ahaa dardargelinta mashaariicda ay iska kaashadaan labada dhinac iyo abuurista qorshayaal cusub oo lugu horumarinayo wax soo saarka beeraha Puntland.

Laba dhinaca ayaa si qota dheer uga wada hadlay dardargelinta shaqooyinka ay ka mid ka yihiin horumarinta wax soosaarka timirta dhinacyada tirada, tayada  iyo dalagyada cuntada ee kala duwan.

Wasiirka Wasaaraddda Beeraha iyo Waraabka Axmed Shire Siciid ayaa inta uu ku sugnaa dalka Kenya waxaa uu kulamo kala duwan laqaatay madax ka socotay urur goboleedka IGAD iyo madax kale oo ka socotay Hay’adaha ka shaqeeya horumarinta dhinaca beeraha.

Horseed Media 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *