Nairobi: Shirka Urur Gobboleedka IGAD oo maalintii labaad galay

Published: July 6, 2022

Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah kulankoodii 39aad ku yeelanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo shalay furmay ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay dowladaha iyo hay’adaha reer galbeedka ee taageera IGAD.

Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qaybgalaya Wafddi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeynka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *