Natiijadda Rasmiga ah ee Doorashada Guddoomiye K/xigeenadda 1-aad iyo 2-aad oo Lagu Dhawaaqay – VIDEO

Published: January 12, 2017

Guddiga doorashada ee guddoonka Barlamaanka Federaalkaoo soo gabagabeeyay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay Natajiidadii doorashadii guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo Labaad.

Natiijada Wareegii Labaad ee doorashadaGudoomiye Ku xigeenka Kowaad waxaaku guulaystay xildhibaan C/wali Sh Ibraahim Muudey oo helay 164 iyo halka xildhibaan Faarax Sh C/qaadir uu isna helay 94 oo cod oo kaliya.

Kursiga Guddoomiye Kuxigeenka Labaad oo ay ku tartamayeen Mahad Cabdalle Cawad oo hore jagadaasi u haya iyo xildhibaan Cabdiqaadir Baqdaadi ayaa natiijadii waxay noqotay in Mahad Cabdala Cawad uuhelay 171 cod, Cabdulqaadir Cali Baqdaadi oo la tartamayayna wuxuu helay 88 oo cod, iyadoo natiijadu noqotay in Xildhibaan Cawad uu mar kale noqday Guddoomiyaha 1aad ee Barlamaanka Soomaaliya.

Waxaa hadda soo dhamaystirmay doorashadii guddoonka Barlamaanka federaalka oo shalay guddoomiye loo doortay Maxamed Cismaan Jawaari, halk labadiisii guddoomiye k/xigeen maanta la doortay.

Gabagabadii, Guddoonka Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya, waxaa looga fadhiyaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqaan xiliga la qabanayo doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa kaloo maalmaha soo socda la qaban doonaa doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya.


Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *