NATO oo 4 Talis ciidan ku kordhinaya dalalka Barriga Yurub

Published: March 25, 2022

Shirkii Wadamada NATO ay Khamiistii ku yeesheen magaalada Brussels ayaa lagu go’aamiyey in sare loo qaado ciidamada NATO ka jooga wadamada barriga Yurub ee saaran xaduudaha ku dhaw dalka Ruushka.

4 Talis cusub oo ciidan ayaa lagu kordhiyey 4tii hore u jirtay taasi oo ka dhigaysa 8 hogaan ciidan oo ka hawlgalaya wadamada barriga Yurub gaar ahaan kuwa xaduudaha la wadaaga dalka Ukraine sida dalalka Slovakia, Romania, Bulgaria iyo Hungary.

Isbaheysigan ka kooban 30 wadan ayaa sidoo kale sheegay in sare u qaadayaan ciidamadooda heeganka ah ee ka hortagi kara weerarada kimikalka, waxay sidoo kale NATO sare u qaadeysaa hubka ay siiso dalka Ukraine.

NATO ayaa dhinaca kala weli ka gaabsanaya inay aqbalaan codsiga Madaxweynaha Ukraine oo shalay markale ka codsaday in la xiro hawada wadankiisa si looga hortago diyaaradaha Ruushka, arrintaasi oo ay NATO sheegtay inaysan hada diyaar u ahayn maadaama ay keeni karto isku dhac toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *