NATO oo ku baaqday in rasaas la siiyo dalka Ukraine

Published: February 14, 2023
Shares20

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in saadka hubka, gaar ahaan rasaasta ay ciidamada Ukraine u isticmaalayaan dagaalka Ruushku, inuu gabaabsi yahay.

Xoghayaha ayaa dalalka Isbahaysiga ugu baaqay inay kor u qaadaan wax soo saarka, si loo daboolo baahida Ukraine.

Xoghayaha NATO ayaa sheegay in Ruushku uu haatan bilaabay weeraro cusub oo uu ku qaaday dhinaca bari ee dalka Ukraine.

Dagaalkan ayaa ku sii dhowaanaya sannadguuradii koowaad, ee ka soo wareegtay markii ciidamada Ruushku ay bilaabeen dagaalka Ukraine, xilligaas oo ku beegnayd, bishii February 24-keedii, ee sannadkii hore.

Horseed Media