Komishinka doorashada dalka Venezuela ayaa goor dhowr ku dhawaaqay natiijada doorashada guud ee dalkaasi, saacado kadib…
Komishinka doorashada dalka Venezuela ayaa goor dhowr ku dhawaaqay natiijada doorashada guud ee dalkaasi, saacado kadib markii la xiray goobaha codbixinta oo ay shacabka cododkooda ka dhiibteen Axadii shalay.
Warbixinta ugu horeysay ee guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in la tiririyey 80% cododka, isla markaana ay cododkooda dhiibteen 59% dadka u diiwaangashan codbixinta.
Madaxweynaha xilka haya Nicolas Maduro oo markii 3aad xilka u tartamaya ayaa helay 51.2%, halka murashaxa xisbiga mucaaridka Edmundo Gonzalez uu helay 44.2%. Murashaxiinta kale ayaa isu geyn helay 4% cododka illaa iyo hada la tiriyey.
Guddiga doorashada ayaa sheegay inay jireen isku dayo iyo weeraro internetka oo lagu qaaday qaar kamid ah computera-da kaydka cododka, arrintaasi oo ay codsadeen in baaritaan lagu sameeyo.
Dowlada Venezuela ayaa cadaadis xoogan kala kulmeysay dowlada Mareykanka oo horey ugu fashilantay inay dalkaasi inqilaab militari ka rido, waxayna cunaqabateyn xoogan saartay wadankaasi qaniga ku ah batroolka, arrintaasi oo hoos u dhac iyo sicir barar xoogan ku keentay dhaqaalaha wadankaasi.
Maduro, oo 61 jir ah, ayaa markii saddexaad xilka sii haynaya, wuxuuna xilka qabtay sanadkii 2013 kadib markii uu dhintay hogaamiyihii hore Hugo Chavez, wuxuuna markale ku guuleystay 2018-kii doorasho si weyn looga soo horjeestay oo lagu tilmaamay mid la musuq maasuqay.
Doorashada sanadkan ayaa si weyn loo saadaalinayey in mucaaridka ay heli karaan codod badan, balse sida ka muuqata natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa in Maduro uu markale ku guuleystay.
Waxaa la filayaa in mucaaridka ay dacwad ka keenaan natiijada codbixinta.
Horseed Media