Nin haysta dhalashada Britain oo Kenya maxkamad lagu soo taagey

Published: February 20, 2012

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay dhowaan maxkamadeyn doonto nin haysta dhalashada dalka Britain kaas oo lagu soo eedeeyey inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-shabaab.

Ninkan oo ay da`diisu 30-jir tahay laguna magacaabo Jermaine Gants ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka ee Kenya dhamaadka sanadkii hore xilli uu ku sugnaa magaalada Mombasa.

Ninkan oo laga qabtay Hotel ku yaala magaalada Mombasa ayaa waxaa sida ay Booliska Kenya sheegeen uu qirtay inuu xiriir dhow la leeyahay Al-shabaab.

Waxaana sidoo kale qolka uu Hotel-kaas ka degenayaa laga helay qalabka lagu sameeyo walxaha qarxa sida ay sheegeen saraakiisha Booliska ee Kenya.

Dalka Kenya oo ay ood wadaag yihiin Soomaaliya waxaa dhowr mar oo hore lagu qabtay Ajaanib tira badan oo kusoo wajahnaa Soomaaliya si ay uga garab dagaamalamaan Al-shabaab.

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli mudooyinkii u danbeeyey ammaanka dalka Kenya uu ahaa mid si aad ah loo adkeeyey kadib markii ay falal ammaan dari ahi kasoo cusboonaadeen gobolka Soomaaliya xadka la leh ee waqooyi-bari Kenya.

Horseed Media