Ninka loo haysto dilka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe oo ka hadlay sababta uu u toogtay

Published: July 9, 2022
A man, believed to have shot former Japanese Prime Minister Shinzo Abe, is tackled by police officers in Nara, western Japan July 8, 2022 in this photo taken by The Asahi Shimbun. The Asahi Shimbun/via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. MANDATORY CREDIT. JAPAN OUT. NO COMMERCIAL OR EDITORIAL SALES IN JAPAN. TPX IMAGES OF THE DAY

Booliska baaraya dilka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe ayaa sheegay in ninka loo qabtay falkaas uu ciil u qabay urur gaar ah.

Ninka oo ah 41 jir magaciisa lagu sheegay Tetsuya Yamagami, ayaa rumaysnaa in Abe uu ka tirsanaa ururka uu ciilka u qabay, taasina ay ku dhalisay inuu toogto.

Lama shaacin magaca ururkaas.

Abe ayaa ku geeriyooday cisbitaal loola cararay kadib markii ay rasaastu haleeshay xilli uu ku jiray olole siyaasadeed.

Booliska ayaa sheegay in Tetsuya Yamagami uu qirtay dilka Raysu Wasaaraha hore oo uu u adeegsaday qori tumaali ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *