Ninkii Gubay Xaaskiisa oo Dil Toogasho Lagu Xukumay

Published: March 6, 2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah 6/March/2024 dil toogasho ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay dambi ah in uu xaaskiisa Marxuumad, Luul Cabdicasiis nolosha ku gubay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in eedeysanaha lagu helay inuu si kas ah u gubay xaaskiisa, isagoo daliishanayay caddeymaha lagasoo ururiyay kiiskaan.

Dacwadda kiiska Sayid Cali Macallin oo marxalado kala duwan soo martay ayay maxkamaddu maanta ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday baarista fal dambiyeedka, waxaana si weyn usoo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda ehelada Luul Cabdicasiis Maxamed.

Dhanka kale Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in xukunka kiiska Sayid Cali uu ka furan yahay racfaan 30 cisho ah.

Horseed Media