NISA: Ikraan Tahliil Alshabaab ayay u gacan gashay wayna dileen

Published: September 2, 2021

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaal Sirdoon ay u gacan gashay Kooxda Al Shabaab isla markaana ay dileen.

Gabadhan oo la la’aa muddo sadex bilood ka badan ayaa Warbixin ay soo saaryay NISA waxa ay ku sheegtay in ay baartaan dheer kadib ogadeen in afduubteen dhaq dhaqaaqa Alshabaab intaas kadibna ay dileen.

Hoos ka akhriso warka kasoo baxay NISA

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *