NISA Oo Masuuliyada Qarixii Ekiskontorool Dusha u Saartay Dal Shisheeye

Published: December 30, 2019

Hay’ada nabadsugida iyo sirdoonka dowlada Federaalka ee NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitterka waxay ku sheegtay in qarixii ka dhacay Ekiskontrool afgooy ee magaaladda Muqdisho 28 December 2019 uu qorshihiisa lahaa dal Shisheeye.

Hay’adu ma sheegin dalka soo qorsheeyay qaraxaasi oo ay ku dhinteen 89 qof, 125 qof ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena la laayahay 12 Qof.

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.”

Qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga ayaa daabacay maqaalo iyo faalooyin lagu falanqaynayo dagaalka qabow ee u dhaxeeya wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka oo isku dhinac ah iyo wadanka Turkiga iyo xiriirka ka dhexeeya qaraxa Muqdisho iyo Ciidamo la sheegay inuu Turkigu u dirayo wadanka Liibiya si uu garab u siiyo dowladda beesha caalamku aqoonsan tahay ee Tripoli

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *