Pakistan: 10 askari oo lagu dilay weerar Saldhig Booliis

Published: February 5, 2024
Shares4

Weerarkan Saldhigga booliska ee Dera Ismail Khan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa lagu soo beegay xilli horey subaxnimadii Isniinta.

Saddex maalmood ka hor doorashada guud ee Pakistan, dabley ayaa weerar ku qaaday saldhig booliis oo ku yaal waqooyiga galbeed ee dalkaas, halkaas oo ay ku dileen 10 boolis ah lix kalena way ku dhaawacmeen.

Weerarada maleeshiyaadka ay ka geysanayaan gudaha dalka Pakistan ayaa kor u kacay ka hor doorashada guud ee dalkaasi ka dhacaysa maalinta khamiista ah.

Horseed Media