Pakistan: In ka badan 1000 qof ayaa ku dhimatay daadadka roobabka xiliga Maansuunka.

Published: August 28, 2022

Waxaa sii kordhaya tirada dhimashada ee dalka Pakistan oo ay ku dhufteen daadad xooggan. Ilaa hadda in ka badan 1,000 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen tan iyo xilliga dabeylaha iyo roobabku ay billowdeen bartamihii bishii Juun.

Marka la tixraaco tirada dhimashada ee soo baxdey maanta oo axad ah ee ka soo baxay maamulka masiibooyinka ee dalkaas, 119 qof ayaa dhintay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Sanadkan, roobabka dabeylaha wata ee loo yaqaan Maansuunka ee dalka Pakistan ayaa ka baxsan sidii caadiga ahayd marka loo eego kuwii hore. Roobab aad u xooggan ayaa da’ay – tusaale ahaan bishii Luulyo wuxuu da’ay saddex jeer in ka badan inta caadiga ah.

Daadadka ba’an ayaa saameeyay in ka badan 33 milyan oo qof si uun ama si kaleba gudaha dalka Pakistan. Guryo iyo waddooyin badan ayaa burburay, qaar badana waxay ku qasbanaadeen inay ka baxaan guryahooda.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *