Pakistan: Weerar lagu dilay 11 qof oo rakaab ah

Published: April 13, 2024

Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 11 qof oo rakaab ah labo weerar oo kala duwan oo ka dhacay koofur galbeed Pakistan.

Dhacdooyinka ayaa xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Nushki oo ka tirsan degmada fog ee koonfur-galbeed ee gobolka Balochistan, kadib markii rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ay xireen waddo weyn oo isku xirta Pakistan iyo Iran, ayna dileen rakaabkii, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye ku xigeenka Nushki, Xabibullah Mosakhel.

Dhacdadii ugu horeysay ee dableyda hubeysan ay ku qabteen gaari ayaa waxa ay afduubteen sagaal ruux oo rakaab ah oo u badnaa xoogsato, kadib markii ay hubiyeen heybtooda, waxa ayna u carareen buuraha ku dhow. Dhammaan sagaalka qof ee la afduubtay ayaa markii dambe la toogtay, waxaana meydadkooda lagu daadiyay meel u dhow oo buundo ah, sida uu sheegay sarkaalku.

Dadka la dilay ayaa kasoo jeeda gobalka waqooyi-galbeed ee Punjab, oo ah gobolka ugu weyn dalka.

Ma jirto koox ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarradan, inkastoo qowmiyadda Baloch ee gooni-goosadka ah ay muddo dheer bartilmaameedsanayeen shaqaalaha ka yimid qaybaha kale ee dalka, gaar ahaan Punjab.

Gooni u goosadka Baloch ayaa tobanaan sano u dagaalamayay gobolka Balochistan ee qaniga ku ah kheyraadka inuu ka go’o Pakistan.

Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay dilka, isagoo wacad ku maray in ciidamada ammaanku ay xididdada u siibi doonaan “kooxda” argagixisada.

Horseed Media