Puntland & Jubbaland Oo Shir Degdeg Ah Ku Baaqay 30 Janaayo

Published: January 28, 2021

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo soo saaray warsaxaafadeed wadajir ah ayaa shir degdeg ah ugu baaqay madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

War saxaafadeedka ayey ku sheegeen iyagoo tixgelinaya waqtiga xasaasiga ah ee dalku marayo una gogol xaaraya qabsoomida shir loo dhan yahay inuu ka dhaco Muqdisho 30ka janaayo 2021, isla markaana ay diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay oo xasiloon.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxda dowlada federaalku ka caga-jiidayso qabsoomida shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomida doorashada dalka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa xusay in Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horreeyo Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan uu door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Hadii aan nahay shacabka soomaliyeed waxa aan sugeynaa in maamul gobaleedyadu dadkooda utudhaan oo ay gaatan midnimada soomaliyeed taasan sharable inoo ah ,ninka raba in uu siyasiyiinta soomaliyeed dhexdooda kakala faa iido ayaa siiyey fursata uu idinku kala kaxaynayo waa siyaasiyiinta matala shacabka warhoy isbadala oo usocda sidii ayowyaasheen.