Puntland oo codsatay taageerada Beesha Caalamka inaan loosoo marsiin Muqdisho

Published: June 10, 2024
Catriona-Laing-and-Said-Abdullaahi-Deni-

War qoraal oo kasoo baxay dowladda Puntland ayaa walaac looga muujiyey habka qorshaynta mashaariicda beesha caalamka iyo maamulida kaalmada danayeeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Puntland ayaa codsiga ay beesha caalamka u dirtay waxay ku sheegtay inaan si sax ah loo maamulin deeqaha iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya loogu deeqo.

Waxay sheegtay inay doonayso wixii taageero ah oo loo qorsheeyey Puntland in lasoo marsiiyo bangiga dowladda Puntland, waxayna cadaalad darro ka muujisay maamulida deeqahaas ee xukuumadda Muqdisho, isla markaana la siyaasadeeyey miinsaaniyaddii Puntland.

Horseed Media