Puntland oo hoos u dhigtay isu socodka gaadiidka dadweynaha Lascaanood – Garowe

Published: January 9, 2018

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in hoos loo dhigay isu socodka gaadiidka dadweynaha ee adeegsada wadada isku xirta Laascaanood (Sool) iyo magaalada Garowe (Nugaal), arrintan oo la xariirta dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka socda deegaanka Tukaraq.

Ciidamada Somaliland oo arooryadii shalay subax weerar kusoo qaaday ciidamada Puntland ee ku sugnaa kastamka Tukaraq ayaa la sheegay inay hada ku sugan yihiin meel u dhaw duleedka galbeed ee Tukaraq, waxaana goobtaasi sidoo kale ku sugan ciidamada Puntland oo shalay lagu xoojiyey ciidamo horleh.

Wararka dheeraadka ah ee laga helayo Tukaraq ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay uu ahaa mid kooban, isla markaana aysan jirin khasaaro soo gaaray ciidamada Puntland oo la sheegay inay baneeyeen kastamka Tukaraq markii ay halkaasi soo galeen gaadiidka dagaalka ee Somaliland.

Dhinaca magaalada Laascaanood ayaa la sheegayaa in la geeyey qaar kamid ah askarta Somaliland ee dhaawacyada kasoo gaareen iska horimaadkii shalay Somaliland kula wareegtay kastamka Tukaraq, waxaana jira warar sheegaya in ay jirto dhimasho balse Somaliland weli ma xaqiijin wararka laga helayo goobaha caafimaadka ee Laascaanood.

Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdullahi Faraweyne ayaa sheegay hoos u dhigida iyo xayiraada la saaray gaadiidka adeegsada wadada dheer ee isku xirta Laascanood iyo Garowe ay tahay mid lagu sugayo amniga dadka rayidka ah maadaama ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Qoraal shalay kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in duulaanka ay Somaliland kusoo qaaday deegaankooda, isla markaana aysan Puntland qaadi doonin wax walba oo dhibaato ah oo ka dhasha xiisadan cusub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *