Puntland oo Mamnuucday Dharka Lasoo Isticmaalo ee Huudhayda

Published: March 13, 2020

Taliyaha ciidamada booliiska Puntland Jen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa amar uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay in dalka la keeno dharka la soo isticmaalo ee loo yaqaan Hudhayda.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe waxaa uu sheegay in caafimaad ahaan awgeed inay go’aansadeen in la gubo dharka Hudhayda ah ee dalka la keenayo

” Xanuuno ayaa jira, xuduudadaha kama soo gelin karo dharkaas iyo qalabyada kale ee isticmaalka galay, waana la qabanayaa, waana la gubayaa haddii ay xuduudaha ka soo galaan” ayuu yiri taliye muxiyadiin

Taliyuhu wuxuu ku baraarujiyay dadweynaha inay ilaaliyaan nadaafadooda oo markasta ay dhaqaan gacmahooda.

Dhinaca kale, Talyuhu wuxuu digniin ku bixiyay in la qaban doono gawaarida aan taarikada lahayn ee caasimadda Garoowe ku socda.

Magaaladda Garoowe waxaa ka socota qabanqaabada shirka wadatashiga Puntland oo ay ka qaybgalayaan wufuud kala kala socoto gobolada Puntland, dowladda federaalka iyo Caalamka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *