Puntland oo qabatay doonyo laga leeyahay Yemen oo sharci-darro uga kalluumaysanayey xeebaha gobolka Raas-casayr

Published: October 20, 2024

Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Raasa-Casayr gaar ahaan Degmada Bareeda oo kaashanaya ciidanka Iaanta ilaalada canshuuraha ee ku jira howlgalka dardargellinta dakhliga wasaarada maaliyadda ayaa gacanta kusoo dhigay labo doonyo oo laga leeyahay dalka Yemen kuwaas oo sifo sharci-darro ah uga kaluumeysanayey xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Raasa-Casayr, G/sare Fuaad Maxamuud Xuseen oo ka digay isticmaalka doonyaha sida sharci darada ah uga kaluumaysanaya xeebaha gobolka ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh la horgayn doono eedaysanayaashan iyo gaadiidkooda, iyadoo ciddii iskudayda falkan oo kale gacanta lagu soo dhigi-doono.

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay kuna bogaadiyey hawgalkaasi ay doonyaha kusoo qabteen Booliska gobalka Raasa-Casayr iyo Ciidanka ilaalada canshuuraha.

Horseed Media