Puntland oo Shacabka Galkacayo ka Codsatay inay Dilaan Dadka Laynaya Saraakiisha Dowladda

Published: April 11, 2020

Guddiga amniga ee gobolka Mudug oo maanta kulan ku yeeshay Magaaladda Galkacayo waxay sheegeen inay hayaan dad lagu tuhmayo dilkii alle ha u naxariistii taliyihii laanta Socdaalka ee Garoonka cabdullaahi Yuusuf ee Galkacayo Cismaan Xaaji Xuseen Farey.

Guddoomiyaha Gobolka

Kulanka guddiga amniga waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Puntland C/raxmaan Dhabancad.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur-yare waxaa uu ka codsaday shacabka gobolka mudug inaysan biqin oo dilaan ama dhaawacaan dadka laynaya saraakiisha dowladda ee ku dhex dhuumanaya shacabka

“Sarkaal dad baa loo qabqabtay, waana socotaa howshiisu, ma aha in la dilo la isaga aamusayo” ayuu yiri guddoomiyihu, isagoo sii raaciyay” Dowladu dadkoo dhan ma waardiyayn karto waxaa loo baahan yahay in xogta la isku keeno”

Dhinaca kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tuhmanayaa loo hayo dilkii loo gaystay sarkaal u shaqanayay wasaaradda maaliyadda Puntland oo gaarigiisa qarax loogu xiray.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/2526620634110167/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *