Putin oo ku dhawaaqay in uu adeegsanayo hubkasta oo uu haysto

Published: September 21, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay “abaabul qaybeed ciidan oo cusub” ee ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya Ukraine

Khudbad si weyn loo sugaayay oo telefishinka laga sii daayay, ayuu Putin ku sheegay in “abaabul ciidan” uu jawaab toos ah u yahay khatarta ka imanaysa reer galbeedka, kuwaas oo “doonaya inay burburiyaan waddankeenna”, wuxuuna ku dooday in reer galbeedku ay isku dayeen inay dadka Ukraine u beddelaan kuwo madfacu calaf ka dhigto”.

Hanjaabada Nukliyeerka

Madaxweynaha Ruushanka ayaa sidoo kale ku hanjabay inuu ku aargoosan doono Nukliyeerka, isagoo sheegay in Ruushku uu haysto “hub badan oo uu kaga jawaabo” waxa uu ugu yeeray hanjabaadaha reer galbeedka ee ku wajahan dhulka Ruushka, wuxuuna intaa ku daray in hadalkiisu aanu ahayn cabsi-gelin ee uu yahay dhab.

“Abaabulka ciidanku waxay khuseeyaan oo keliya muwaadiniinta kaydka ku jira, gaar ahaan kuwa ka soo shaqeeyay ciidamada qalabka sida, oo leh xirfado ciidan oo gaar ah iyo khibrad la xiriirta,”

Vladimir putin

300, 000 oo askeri oo loo yeeray

Wax yar ka dib markii ay dhamaatey khudbadda Putin, wasiirka difaaca ee dalka, Sergei Shoigu, ayaa sheegay in 300,000 oo Ruush ah “oo leh khibrad hore oo milatari” loo yeeri doono. Sida ku cad wareegtada uu Putin saxiixay Arbacadii, qandaraasyada askarta ka dagaallamaya Ukraine ayaa la kordhin doonaa illaa dhammaadka xilliga abaabulkan cusub.

Jawaabta Ukraine

La taliyaha Madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in go’aanka Putin uu ku dhawaaqay ay tahay “tallaabo la saadaalinaayey” taasoo muujineysa in dagaalku uusan u socon sidii uu ahaa qorshaha Putin.

Jawaabta Reer Galbeedka

Hadalka Putin ayaa sidoo kale waxaa si degdeg ah u cambaareeyay madaxda reer galbeedka. Ku-xigeenka mustashaarka Jarmalka, Robert Habeck, ayaa sheegay in go’aanka Ruushku uu ku dhawaaqay abaabul qaybeed uu yahay “tallaabo kale oo xun oo khaldan oo ka timid Ruushka”.

Xoghayaha difaaca ee Britain Ben Wallace ayaa yiri: “Jabinta Putin ee ballan qaadyadiisa ah inuusan abaabulin qaybo ka mid ah dadweynaha iyo ku darista sharci-darrada ah ee qaybo ka mid ah Ukraine waa qirasho in duullaankiisa uu fashilmay.”

Dareenka dadka Ruushanka

Go’aanka Putin ee ah inuu ku dhawaaqo abaabul qaybeed ayaa argagax geliyay Ruushka oo dhan. Tan iyo markii uu bilowday duulaanka, Madaxweynaha Ruushka waxa uu isku dayay in uu shacabkiisa ka ilaaliyo xaqiiqooyinka foosha xun ee dagaalka.

Laakin go’aanka ah in lagu dhawaaqo abaabul qaybeed iyo wicitaanka 300,000 oo u badan ragga da’da yar ee Ruushka, dagaalku wuxuu hadda geli doonaa weji cusub oo saameyn doona qoysas badan oo Ruushka ah.

Dagaalka labaad ee Ukraine ayaa bilowdey 24 Febaraayo 2022, waxaana Ruushku ku sheegay hawlgal gaar ah, taas oo qorshuhu ahaa in deg-deg ay ku soo afjaraan, isla markaana qabsadaan caasimadda dalkaas ee Kyiv, laakiin waxa uu noqdey goob uu kula dagaalamo reer Galbeedka oo hubkoodi u raray Ukraine si ay u fashilyaan Ruushka.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media