Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Axaddii uga digay Mareykanka, cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii Washington…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Axaddii uga digay Mareykanka, cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii Washington ay gantaallada riddada dheer geyso dalka Jarmalka laga bilaabo sanadka 2026-ka, isla markaana Ruushka uu gantaalladiisa nukliyeerka soo dhigo doono dhulka u dhaw dalalka reer Galbeedka.
Maraykanka ayaa bilaabi doona in uu geeyo awooda Gantaallada riddada dheer dalka Jarmalka sanadka 2026, si uu u muujiyo sida ay uga go’an tahay taageerida gaashaanbuurta NATO iyo Yurub, Maraykanka iyo Jarmalku ayaa arrintan ku dhawaaqay 11kii bishan Luulyo.
Mareykanka ayaa doonaya inuu sare u qaado awoodiisa hubka u yaal wadamada xulafada la ah ee Yurub, isagoo doonaya inuu halkaasi geeyo hubka culus ee SM-6, gantaalada maraakiibta ee Tomahawk iyo gantaalada xawaaraha sare ee xambaari kara nukliyeerka.
Puntin ayaa digniintan kasoo saaray xili uu maanta khudbad u jeediyay badmaaxayaal ka kala socday Ruushka, Shiinaha, Algeria iyo Hindiya oo ka qeyb galay xuska maalinta ciidamada badda Ruushka. Wuxuuna uga digay Mareykanka tallaabadaas inay soo dadajin doonto qalalaasaha gantaallada la midka ah xiligii dagaalka qabowaa.
Wuxuu sheegay Putin in Maraykanku uu sii hurinayo xiisadda, isla markaana uu gantaallada Typhon geeyey dalalka Denmark iyo Filibiin, waxaanu isbarbar dhig ku sameeyey qorshaha Maraykanka iyo go’aankii NATO ee ahaa in gantaallada Pershing II la geeyo Galbeedka Yurub sannadkii 1979-kii.
Putin ayaa ku celiyay digniin hore oo ahayd in Ruushku dib u bilaabi karo soo saarista gantaallada riddada dhexe iyo kuwa gaaban ee xambaari kara Nukliyeerka ka dibna uu hubkaasi geyn karo goobo u dhaw wadamada xulafada Mareykanka ee Yurub iyo Aasiya.
Horseed Media