Qaar Ka mid ahaa Dadkii ku Dhaawacmay Qarixii Galkacayo oo Muqdisho La Geeyay

Published: December 23, 2019

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay koonfurta Magaaladda Galkacayo ayaa la geeyay magaaladda Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibi doono.

Dhaawacyada la keenay Muqdisho ayaa isugu jira Askar iyo dad shacab ah, kuwasoo ay soo gaareen dhaawacyo Culus oo u baahan qaliimo iyo daaweyn, waxaana la dhigay cusbitaaladda magaaladda Muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray kolonyo uu watay taliyaha ciidamada Lugta ah ee dowladda Federaalka C/xamiid Maxamed Dirir oo xiligaas ku sugnaa Hotel five star ee Magaaladda Galkacyo. Weerarkaas waxaa ku dhintay 7 qof oo shacab ah waxaana dhaawacyo ka soo gaareen dad gaaray ilaa 30 qof.

” Markaan ka baxnay meel aan ku shireynay oo dad mas’uuliyiina aan kula shireynay, waxaana ay u dhawdahay hotelka Five Star ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug wax yar markaan dhaqaaqnay waxaa nagu soo booday gaari Zaruf ah markii uu nagu dhacay wuu qarxad Illaah waxna naguma gaarsiin ilaa 6 wiil ayaa dhawaac ka soo gaaray” ayuu yiri taliye C/xamiid

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka lagu qaaday Kolonyada Taliyaha.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *