Qaar kamid ah shirkadaha korontada Muqdisho oo midoobey

Published: April 23, 2024

Saddex shirkadood oo ka mid ah kuwa bixiya adeega korntada ee magaalada Muqdisho ayaa maanta heshiis ay ku midoobeen ku saxiixdey magaalada Muqdisho. Shirkadaha midoobey ayaa kala ah Shirkadda korontada ee Banaadir, Shirkadda tamarta ee BlueSky iyo shirkadda Mogadishu Supply.

Munasaabadda lagu kala saxiixanaayey heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa raysalwasaareha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana ka soo shaqeysey wasaaradda tamarta iyo biyaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan inay iska bixiyaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda, iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca wax-soosaarka“.

Shirkadda ugu weyn ee bixisa adeega korontada ee magaalada Muqdisho ayaa ah shirkadda Beco, waxaana ay ku shaqeysataa dhismayaashii dowladdii hore ee Wakaaladii Xoogga Korontada Umadda, shirkadda Beco heshiiskan qayb kama aha.

HORSEED MEDIA