Qaar kamid ah taageerayaasha Arsenal oo lagu xiray Uganda

Published: January 23, 2023

In ka badan 20 qof oo kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal ee dalka Uganda ayay booliska ku xireen magaalada Jinja.

Taageerayaashan u dabbaaldageyay guushii ay xaley Arsenal ka gaartay Manchester United oo ay 3-2 uga badisay.

Wargeyska The Monitor ayaa ku warramay in taageerayaasha la qabtay ay saarnaayeen kolonyo baabuur ah xilliggii ay dabbaaldegayeen.

Booliska kama aysan hadlin waxa ay geysteen taageerayaashan la xiray.

Horseed Media