Qaban qaabadii ugu dambaysay ee caleema-saarka Madaxweynaha oo laga dareemayo Muqdisho

Published: June 8, 2022

Magaalada Muqsisho ee caasimadda dalka waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambaysay ee caleema-saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Shiikh Maxamuud.

Munaasabada ayaa lagu casumay qaar ka mid ah Madaxda gobolka, safiirada caalamka, maamul goboleedyada dalka iyo wufuud kale.

Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya, Eritrea iyo Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia ayaa ka mid ah madaxda la casumay, sida la xaqiijiyay.

Muqdisho, ammaanka ayaa aad loo adkeeya, waxaana la hakiyay dhammaan duulimaadyada diyaaradaha marka laga reebo kuwa wufuuda keenaya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *