Qatar oo sare u qaadeysa taageerada ay siiso Soomaaliya

Published: October 8, 2021

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay sare uqaadday taageeradii iyo xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Bayaan ay fadhiga 48-aad ee golaha xuquuqul Insaanka Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka jeedisay Marwo Jawhara Al-Suwaidi, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qatar ee QM  fadhigeeduna yahay Geneva ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan bixinta gargaarka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Wakiilka ayaa si gaar ah diiradda u saartay dhinacyada caafimaadka, wax barashada, abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta awoodda laamaha ammaanka iyo bixinta taageero siyaasadeed, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wada jirka dhuleed ee dalka.

Al-Suwaidi ayaa sheegtay in Dowladda Qatar ay ku nuuxnuuxsanayso caqabadaha hortaagan iyo khataraha dhanka amniga, argagixisada, faafitaanka Covid-19, abaaraha, fatahaadaha iyo waxyaabo kale.

Bayaanka Dowladda Qatar ayaa lagu sheegay muhiimadda sida loogu baahan yahay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay is-xakameeyaan, oo ay sii wadaan wada-xaajoodka Qaran, iyagoo ay ka go’an tahay inay qabtaan doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo waqtigii loogu talagalayna ku qabsooma.

Ugu dambayn bayaanka ayaa lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi qayb ka noqon karaan diyaarinta Jawiga ku habboon iyo fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada, gaar ahaan kuwa la xiriira kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Was wax laga xumaado in dalkeenu uu weli
    Gacmo hoorsi uu ku jiro. Goorma ayuu is bixidoona dalku baryada uu gacan shisheeyu wax uga fadhiyo.