Qaliimada bishimaha faruuran iyo dhabxanaga oo laga daahfuray cisbitaalka guud ee Garoowe

Published: May 12, 2024

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Siciid Jaamac Qorsheel oo uu wehelinayo agaasimaha guud iyo madaxa xogta wasaaradda caafimaadka ayaa maanta daah-furay qaliimada bishimaha faruuran iyo dhabxanaga oo laga fulinayo isbitaalka guud ee Garoowe.

Agaasimaha Cisbitaalka Dr Hodan Cali Shire ayaa wasiirka ku soo dhaweysay cisbitaalka waxayna warbixin ka siisay dhakhaatiirta qaliimada fulinaya oo ay sheegtay inay ahaayeen kuwa imaanayay ilaa 2010 lkn labadii sano ee la soo dhaafay ubaaqday dhismaha cisbitaalka ka socday.

Wasiirka wasaradda Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo kormeer uu ku sameeyay shaqada sida ay usocoto kadib hadl kooban oo uu ka jeediyay ka yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan booqasho ku imaado cisbitaalka Garowe oo ay ka socoto hawl muhiim ah oo loo qabanayo bulshada qayb kamid ah taasoo lagu qalayo dadka faruuran iyo kuwa dhabxanaga, qaliimada ayaa loo sameynayaa ilmaha 6bilood jira ilaa qofka weyn ee ubaahan in laga caawiyo, qaliinada ayaa ah mid lacag la’aan ah dadka aan soo arkay ayaa ii sheegay inay ka yimaadeen gobolada Puntland iyo Soomaliya guud ahaan sidoo kale waxaa jira dad ka yimid dalka Ethopian kana faa’idaysanaya fursadaan muhiim ah, waxaan umahadcelinayaa dhakhaatiirta iyo shaqaalaha fulinaya qaliinka oo khibrad iyo aqoon dheer uleh.”

“Waxaan ugu danbeyn rabaa inaan umahadceliyo agaasimaha cisbitaalka Dr Hodan Cali Shire oo shaqo wanaagsan bulshada uhaysa sidoo kalena fududaysay hawshaan muhiimka ah ee maanta ka socota naguna casuntay inaan kala soo qaybgalno, waxaa qorshuhu yahay inay qalaan in ka badan 100 qof hada waxaa diyaar ah sida la ii sheegay ilaa 70 qof waxaana uu socon doonaa ilaa 16 bishan waxaan rajaynayaa in uu noqdo barnaamij guulaysta hadafkii laga lahaana laga gaaro.”

Horseed Media