Qaramada Midoobay & Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii Hotel Xayaat

Published: August 21, 2022

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in ay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wax laga naxo ku tilmaamay weerarkaas socday in ka badan 30ka saac, waxa uu sheegay in uu murugada la qabysanayo ehelka Dadkooda dhibaatadu ku gaartay weerarkaas.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab ku siineyso Dowladda Federaalka & Shacabka Soomaaliyeed la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada ay ka geysanayaan goobaha kala duwan.

Sidoo kale Ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ay ka joogaan Askar ku howlgasha Magaca ATMIS soo kabasho degdeg ah u rajeeyay bukaannada dhaawacyada kala duwan kasoo gaaray weerarka qaraxa ku billawday ee Al-Shabaab ku beegsatay Hoteelka Xayaat.

“Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxa uu cambaareynayaa weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday Xayat Hotel, Ciidamada Federaalka waxa aan rajeyneynaa in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada si loo laab qaboojiyo ehelka Dadkoodu dhibaatadu ay gaarsiiyyeen” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

Dowaldda Federaalka weli kuma dhawaaqin in ay soo afjartay weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho marka laga tago saraakiil aan heysan fasax oo la hadlay Wakaaladaha Wararka AFP & Reuters oo xaqiijiyay in lasoo afjaray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *