Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dadka ka barakacay Dagaalka Laascaanood

Published: February 17, 2023
Shares50
Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii Somaliland

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in ka badan 185,000 oo qof ay ka barakaceen dagaalka maalintii 13aad ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, ayada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis.

OCHA ayaa sheegtay in saraakiisha isbitaalka guud ee Laascaanood ay ku warrameen dhimashada 57 qof iyo 401 oo dhaawac ah oo lagu daweeyey afar isbitaal oo kala duwan.

Dagaalka Laascaanood ayaa qarxay 6-dii Febraayo, wuxuuna u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa soo dhoweeyey xabad-joojinta, wuxuuna ku baaqay in gargaarka bani’aadannimo uu helo marin deg deg ah.

Horseed Media