Qaramada Midoobey oo Soo dhaweysay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Garoowe 2

Published: February 20, 2012

Qaramada midoobey ayaa si weyn u soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga dhinacyada Soomalida ee Garoowe 2

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey mr ban-Kin moon ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in ay la dhac sanyihiin dhamaan qodobadii lagu heshiiyay shirki G aroowe ugu soo dhamaday dhinacyada Soomalida .

Ban-Kin Moon ayaa sidoo kale ku tilmaamay shirkan in uu yahay mid ay u dhamaayeen dhamaan dhinacyada siyaasada soomalida isla markaana waxyaabihii ka soo baxay ay si weyn u anfici doonaan nabadda iyo dawladnimada Soomaliya.

Xoghayaha guud ee qaramada midobey Ban-Kin moon waxaa kaloo uu sheegay in beesha caalamka ay taageeri doonto qodobadii ay ku heshiiyeen dhinacyada siyaasada ee Soomalida isagoo ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgaliyo qodobadaas.

Mr moon ayaa dhanka kale ka hadlay sida ay qaramada midoobey uga go’antahay taageerida Soomaliya isagoo sheegay in ay rajaynayaan isbadal muuqda oo laga dareemi doono Soomaliya sanadkan gudihiisa.

Ugu danbayntii xoghayaha guud ee qaramada midoobe waxa uu soo hadal qaaday shirka dhawaan lagu wado in uu ka furmo magaalada London waxaana uu ku tilmaamay shirkaas mid looga arinsan doono colaadaha ka jira Soomaliya iyo dhibaatooyinka burcabadeeda Soomalida ay ku hayaan ganacsiga caalamka .

 

Horseed Media