Qarax Ka Dhacay Bosaso

Published: March 9, 2020

Ugu yaraan hal qof oo shicib ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay Magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari sida ay horseedmedia u sheegeen saraakiisha ciidamada amniga ee gobolka

Qaraxan ayaa lala eegtay ciidamo ku sugnaa agagaarka dekeda Magaaladda Bosaso, waxaana wararku sheegayaan in qaraxu uu ka dhashay miinow dhulka la galiyay.

Qaraxan oo inta badan laga maqlayay magaaladda ayaa wararku waxay intaas ku darayaan in wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada Puntland ee bartilmaameedku ahaa.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay masuuliyadda weerarka, mana jirto war ka soo baxay dhinac dowladda Puntland oo la xiriira Qaraxaasi.

Ciidamada Amniga Puntland ayaa howlgal ay ka sameenayeen magaaladda Bosaso waxay ku qabqateen boqolaal qof oo looga shakisanaa inay ka tirsan yihiin kooxaha Alshabaab iyo Daacish, qaarkood ayaa booliisku sii daayeen ka dibmarkii ay baaritaan ku sameeyeen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *