Qarax ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir

Published: June 1, 2022

Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa goordhow ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeey goobjoogayaal.

Ciidamada la qarixyey ayaa watay gaari nooca raaxada ah, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan, sida ay shaaciyey dad ka agdhowaa goobta.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa gaaray meesha uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo sameeyey baartaano kooban.

Degmadda Dayniile waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood lala beegsaday rag muas’uuliyiin ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *