Qarax ka dhacay xerada barakacayaasha Badbaado ee magaalada Muqdisho

Published: February 20, 2012

Qarax ayaa galabta ka dhacay gudaha xerada Barakacayaasha Badbaado ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miino jidka dhinaciisa la dhigay ayaa bartilmaameed kiisu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah.

Labo qof oo rayid ah ayaa qaraxaas ku geeriyoodey waxaana sidoo kale uu dhaawac kasoo gaarey dhowr qof kale kuwaas oo ay ku jiraan qaar dhaawacoodu uu culus yahay.

Ciidamada ammaanka ee DKG ah ee Soomaaliya ayaa durbadiiba gaarey goobta uu qaraxaasi ka dhacay islamarkaana baaritaan ka sameeyey gudaha xerada.

Xerada Badbaado waa xerada qaxooti ee ugu weyn magaalada Muqdisho taas oo ay ku nool yihiin in badan oo kamid ah dadkii ay abaaraha iyo dagaaladu soo barakiciyeen.

Waxaana xusid mudan in dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii galabta xeradaas ka dhacay ay barakacayaal ahaayeen.

 

Horseed Media