Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Published: August 2, 2022

Qarax miino oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha degmada Hodan ayaa saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday Qaraxa sida ay xaqiijiyeen dadka ku sugnaa goobta uu dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo marayey wadada xiriirisa Taraabuunka iyo isbitaalka Masaarida.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka oo ku aadan qaraxaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *