Qarax khasaare geystay oo ka dhacay saldhig ku yaalla Beledweyne.

Published: April 24, 2022

Qarax khasaare geystay oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Warar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino lagu dhajiyey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo yaallay gudaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari, iyada oo uu burbur xoogan soo gaaray baabuurka qaraxa lagu dhajiyey, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa, kadib qaaday howlgal ay ka sameeyeen agagaarka saldhigga la beegsaday, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey qaraxaasi.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen dhacdadaasi iyo howlgallada ay sameeyeen, kadib qaraxa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *