Qaraxyo ka dhacay Baydhabo iyo Itoobiyaanka oo dad laayey

Published: February 23, 2012

Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay labo qarax oo lala eegtay ciidamada Itoobiya ee shalay iyaga oo kaashanaya kuwa DKG ah ee Soomaaliya gacan ku haynta magaaladaas kala wareegey Al-shabaab.

Labadan qarax oo midkood uu ka dhacay xarun ay Itoobiyaanku fariisin ka samaysteen horayse Shabaabka saldhig ciidan ugu ahayd ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn baaxadda khasaaraha ay geysteen.

Dhinaca kale dhowr qof ayaa waxaa siyaabo kala duwan saacadihii ugu danbeeyey magaalada Baydhabo ugu diley ciidamada Itoobiya, dadkan oo ay tiradoodu 3-ahayd ayaa saraakiil ciidamada Itoobiya ka tirsan oo Saxaafadda la hadlay waxay sheegeen inay ahaayeen haraaga Al-shabaab.

Qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli gelinkii danbe ee shalay ciidamadan is garabsanayaa ay magaalada Baydhabo ka qabsadeen Shabaab oo iyagu 3-dii sano ee ugu danbeeyey degmadaas ka talinayey.

Waxaana xusid mudan in Baydhabo oo ah magaalo muhiim ahi ay gacanta Shabaabka ka baxday iyadoo uusan wax dagaal ahi dhicin, saraakiisha ciidamada DKG ah ee Soomaaliyana waxay sheegeen in aanay Baydhabo ku ekaan doonin balse ay horay usii soconayaan.

 

Horseed Media