QM oo muddo kordhin u sameysay howlgalka UNSOM

Published: May 27, 2022
Security Council meeting on The situation in Somalia.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa mudo shan bilood ah ugu daray shaqada xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo la isku raacay in xafiisku sii shaqeeyo ilaa Oct. 31, 2022.

Muddo kordhinta ayaa timid kadib markii golaha la horgeeyay Qaraar tirsigiisu yahay 2632 kaasoo ay si wada jir ah markii dambe ay u ansixiyeen 15-ka xubnood ee golaha, waxaana la soo bandhigay baahida weyn ee xiligan loo qabo balaarinta mudada howlgalkan.

Meel marinta qaraarkan kadib Golaha ammaanka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in uu golaha si joogto ah ula socodsiiyo go’aankan, waxaana la isku raacay in warbixinta xigtana ay ku egtahay 31-ka Agoosto.

Waajibaadka UNSOM waxa uu ku ekaa dhamaadka bishan May, balse waxa uu haatan ku egyahay dhamaadka bisha October, maadaama shan bilood lagu daray, lama oga waxa ay ka bedeli doonaan shaqadooda oo dhaliilo loo jeediyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *