QM oo sheegtay in ay ka sii dareyso abaarta Soomaaliya

Published: October 3, 2022

Madaxa hay’adda isku-dubbaridka gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ian Riddley ayaa sheegay in abaartu ay weli fara-ba’an ku hayso Soomaaliya, iyadoo in ka badan 8 milyan oo qof ay kaalmo bani’aadanimo u baahan yihiin.

Ian Riddley ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay halis ugu jirto in ay gasho xaalad macluul ah maadaama jir ahaan ay is baddeleen dadka abaartu saameyta taban ku reebtay ee u baahan cunnada iyo Biyaha.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u tilmaamay deegaanno katirsan Dowlad goboleedka Koofur Galbeed sida Buur habaka iyo Baydhabo oo ah Gobolka Baay kuna nool yihiin Dad badan oo Abaarta kasoo barakacay iyaga oo aanay wax haysan ku sugan xeryo barakac.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka Abaarta iyo Amni darrada oo ah labada arrin ee ay culeyska saareyso si looga hortago saameynta taban ee ka dhalan karta.

Horseed Media