Qooqaani: dagaal xoogan oo dhex maray Al-shabaab iyo ciidamada Kenya

Published: February 25, 2012

Deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa xalay uu dagaal xoogani ku dhex maray ciidamada DKG oo kaashanaya kuwa Kenya iyo xoogag ka tirsan mileeshiyada Al-shabaab.

Dagaalkaas oo ka dhacay deegaano ku yaal duleedka Qooqaani ayaa sida aan wararka ku heleyno ahaa mid mudo saacado ah socdey islamarkaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday fariisin ay Mileteriga Kenya ka sameysteen duleedka deegaanka Qooqaani halkaas oo ay markii hore garneelada garabka laga rido iyo hoobiyeyaal kusoo weerareen.

Dagaalka ayaa markaas kadibmid toos ah isu bedeleylamana oga ilaa iyo hada khasaaraha soo kala gaarey labadii dhinac ee xalay dagaalkaasi uu dhex maray mana jiro wax war ah oo dagaalkan ku aadan oo ilaa iyo hada kasoo baxay Kenya, DKG, iyo Shabaab.

Weerarka ay xalay xoogagga Shabaabku ku qaadeen ciidamada Kenya ayaa imaanaya xilli shalay deegaaka km60 duqeyn cirka ah oo loogu geystey ay ku dhinteen dhowr sarakaal oo ka tirsanaa hogaanka sare ee Al-shabaab.

Laga soo bilaabo 16/10/2011 xiligaas oo ahaa wakhtigii ay ciidamada Kenya dhinaca dalka Soomaaliya usoo tallaabeen waxaa joogto noqday weerarada gaadmada ah ee ay Shabaabku la beegsanayaan kolonyooyinka iyo fariisimaha ciidan ee ay Mileteriga Kenya gobolada Jubbooyinka meelo kamid ah ka samaysteen.

 

Horseed Media