Qoor-qoor: Dalku doorasho…aan ugu magac darnay wada Guuleysta…ayuu aaday !

Published: August 21, 2020
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa khudbad ka jeediyey xaflada xiritaanka wajiga seddexaad ee shirkii Dhuusamareeb oo xalay laga soo saaray war-murtiyeedka iyadoo ay maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Qoor-qoor ayaa khudbadiisa ku sheegay inay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ay uga soo qaybgali lahaayeen shirka maadaama waxa laga hadlayo ay tahay doorashada dalka.

Wuxuu sheegay inay masuuliyiinta ka maqnayd ay siiyeen waqti ku filan oo ay kaga qaybgali karaan shirka, si ay miiska wada hadalka ugu soo bandhigeen tabashadooda, balse aysan suurtagelin, laakiin ay mar walba sugayaan.

“Dalku doorasho ayuu aaday ma ahan doorasho dano ku leedahay dowladda federaalka ma ahan doorasho dowlad goboleedyada leeyihiin, ma ahan doorasho cid u xaglineysa waa doorasho aan ugu magac darnay wada guuleysta, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo oo taladooda sugeynaa oo aan ka maarmin walaalaha naga maqan…..Qofba Qofka uu ka xumaan badanyahay Soomaali uma baahna ee Qofba Qofkuu ka wanaag badan ayey u baahantahay doorashadaan dalku aaday waxaa la yiraahdaa wada guuleysta cid gaara dan kuma wadato”

Madaxweyne Qoorqoor

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *