Qoraalka Hay'ada NISA ee Qaraxii Muqdisho oo lagu Tilmaamay Marin-habaabin

Published: December 30, 2019

Labo siyaasi oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda xukuumadda Federaalka Somaliya ayaa ku tilmaamay marin-habaabin qoraalkii ay Hay’ada nabadsugida iyo sirdoonka dowladdu ay ka soo saartay cida ka dambaysay weerarkii 28 bishan ka dhacay isgoyska Ekiskontorool ee magaaladda Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen 89 qof.

C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo madax ka aha urur siyaasadeed Wadajir ayaa qoraalka NISA ku qeexay mid lagaga leexinayo eeda Xasuuqa ururka Alshabaab.

“Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay boggiisa facebooga

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan gollaha wakiilada Federaalka ayaa sheegay in la siyaasadaynayo qarixii dadka badan lagu xasuuqay, islamarkaana loo cudurdaarayo ururka Alshabaab

Waxaa iiga soo baxay warbixinta NISA In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda” ayuu yiri xildhibaan Fiqi, wuxuuna sii raaciyay

“Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin” ayuu sii raaciyay 

Xildhibaan Fiqi wuxuu ka dalbaday hay’adda NISA inay soo bandhigaan Hay’adaha sirdoonka Caalamiga ah ee ay sheegeen inay kala kaashanayaan baaritaanka qaraxa Muqdisho, waxaa kaloo uu dalbaday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa ee ka dhacday Ex- Kontrool afgooye.

“habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo In kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya” ayuu yiri xildhibaan Fiqi

Dadka ku dhintay Qaraxa Muqdisho waxaa ka mid ahaa labo sarkaal oo uu dhashay wadanka Turkiga,

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *