Qorshaha Farmaajo, kadib caqabadda ku timid muddo kororsiga

Published: August 20, 2020

Rajada Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabku ka qabaan in hay’adaha Dowladda federaalka Soomaaliya ay xilka dheereystaan ayaa aad u sii yaraaneysa, iyaga oo ku andacoonaya in doorashada dib loo dhigey, si loo hirgeliyo doorasho nidaamka Xisbiyada ama hal qof iyo hal cod.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii shanad ku sugan Dhuusamareeb, iyada oo hawlo badan sugayaan sida magacaabidda raysalwasaaraha cusub iyo weliba dhismaha xukuumadda, Dadka sida dhaw ula socda shirka Dhuusmareeb ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo sababta ugu weyn ee uu deg-dega ugu tegey Dhuusamareeb ay tahay ka hor shirka maanta Golaha Amaanku u ballansan yahay in warbixinada lagu soo daro, isla markaana uu ka gaashaanto canaantii horey ugu dhacdey si eeda dusha looga tuuro Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada aan shirka imaan, ee sheegay in aan la aamini karin Madaxweyne Farmaajo kadib tallaabooyinkii uu qaadey Dhuusamareeb 2.

Horseed Media ayaa fahansan in Madaxweyne Farmaajo in uu hadda ku gadayo Dhuusamareeb qorshihiisa labaad (Plan B), kaas oo ah

  1. In la qabto doorasho u dhaw 2016, laakiin magaca la siinaayo uu ka duwanaan doono loona ekeyesiin doono mid Dheelitiran
  2. In Wakhtiga uu soo dedejiyo, si uu ciriir uga dhigo musharax kasta oo doonaayey in uu kursi ku guulesyto kaas oo u baahan is diyaarin.
  3. In Magaalooyinka ay ka dhacayso doorashadu la badiyo, si magaalooyinka qarkood awood ugu yeesho sida Gobolka Gedo oo weli ciidamo uu ku daabulaayo, xildhibaano badan oo ku dhawna ay kuraastooda ula baxsadeen.
  4. In guddiga Doorashada qabanayaa ay soo dhisto Dowladda Federaalka ah oo keliya, dowlad goboleedyaduna ay markhaanti ka noqdaan iyo kuwo ilaaliya amniga.

Labada qodob ee kore waa suurta gal in la isla waafaqo, laakiin waxaa dhibaato xoogleh ka dhici doontaa in Dowladda Federaalku isku koobto guddiga doorasho ee Xildhibaanada Federaalka, waxaana loo arkayaa nidaam cusub ee Madaxweyne Farmaajo isku dayayo in uu ku boobo Xildhibaanada si uu mar kale u guuleysan karo.

Maantey waxaa si weyn loo wada sugayaa shirka Golaha Amaanka oo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan uu ka jeedin doono khudbad, waxaana laga hadli doonaa arrimaha doorashada iyo gargaarka bini’aadanimo.

Dhanka kale weli waxaa socda cadaadis la saarayo labada dhinac ee shirka Dhuusamareeb u qaybsamey. Kooxda Dhuusmareeb ku sugan ayaa loo jeediyey in aysan wax go’aan ah gaari karin ilaa shirka loo dhamaado, halka dhinacyada xujada ku xiray ee ka maqan loogu baaqey in ay shirka tagaan, ilaa haddana ma muuqato ifafaale muujinaya in ay shirka tegayaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment