Qoysas badan oo Ceelasha biyaha ka barakacay

Published: February 16, 2012

Barakac xoogan ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho halkaas oo ay ku sugan yihiin kumanaan qoys oo ka cararay dagaalada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho.

Barakacan ayaa bilowday kadib markii ay ciidamada Burundi ee qaybta ka ah kuwa AMISOM fariisimo ka samaysteen Surkuusta oo ah deegaan Ceelasha biyaha aan wax badan ka durugsanayn.

Diyaarado dul heehaabaya deegaankaas ayaa iyaguna sii xoojiyey cabsida ay dadkaas Barakacayaashi ahi ka qabaan in lagu kor dagaalamo, waxaana la arki karaa qoysas tira badan oo kasoo cararaya Ceelasha biyaha kuna soo jeeda dhanka magaaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa cirka isku shareeray qiimaha lagu kireysto gaadiidka, arintaas oo caqabad ku noqotay qoysas badan oo rabey in ay deegaankaas kasoo hayaamaan, waxaana inta badan dadka aan awoodin kharashka gaadiidka BL-ka ah lagu raaco ay kusoo guureen Gaari dameero iyadoo qaar kalena ay dusha alaabtooda kusoo gurteen.

Barakaca qoysaska ceelasha biyaha u qaxay ayaa bilowday kadib markii labo beri kahor ciidamada AMISOM ay la wareegeen Surkuusta oo kaabiga ku haysta km13 halkaas oo ay shabaabku fariisimo ciidan oo badan ku leeyihiin.

Waxayna saraakiisha ciidamada AMISIOM wacad ku mareen inay howlgaladooda banaanka caasimada ku balaarin doonaan arintaas oo ah mid walaac xoogan ku beertay kumanaanka qoys ee Muqdisho ka barakacay kuna sugan Ceelasha biyaha oo ay Shabaabku maamulaan.

 

Horseed Media