Qoyska Reer Elman oo war-murtiyeed kasoo saaray Dhimashada Elmaas Elman

Published: November 24, 2019
Marxuumad Elmaas Elman.
Source Picture: Facebook

Qoyska Reer Elman iyo Reer Xirsi ayaa warmurtiyeed kasoo saaray geeridda Gabadhooda Elmaas Elman, Qoyska ayaa sheegay in ay ka qalbi-jabanyihiin geeridda gabadhooda.

“Aad baannu uga qalbi-jabannahay geeridii aan xanuunkeeda ciduna qiyaasi karin ee walaasheen, xaaskii & gabadheennii Almaas Elman.”

Elwad Elman oo Afka qoyska ku hadashay waxay codsatay in dawladaha Soomaaliya iyo Canada ay iska kaashadaan baaritaan lagu samaynayo dilka Elmaas Elman, sidoo kale waxay codsadeen in la joojiyo wararka been abuurka ah ee laga faafiyay geerida Elmaas Elman.

Elmaas oo ahayd dimblumaasiyad iyo u ololayso Arimaha Nabada iyo xaquuqul insaanka ayaa 20kii bisha Nov lagu dilay gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay samayn doonto baaritaan ka xiriira sida uu kiiskaan u dhacay.

Horseed Media, 2019

Warmurtiyeedka qoyska Reer Elman iyo Reer Xirsi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *