Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo markii ugu horreysay la kulmay Madaxda TPLF

Published: February 4, 2023
Shares4

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wada hadal fool ka fool ah la yeeshay Hoggaanka Jabhadda TPLF ee Gobolka Tigray, ka dib markii uu saxiixay heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulankaasi la qaatay Saraakiisha sare ee Ciidamada Tigrayga, ayaa ka dhacay goob loo dalxiis taggo oo koonfurta dalkaasi ku taalo.

La taliyaha Amniga Qaranka, Redwan Hussein ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Raysal Wasaaruhu uu wafdiga TPLF kala hadlay horumarka geeddi-socodka nabadda.

Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa 2-dii bishii November ee sanadkii hore Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ku kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo dagaalka muddada labada sano ka socday dalkaasi.

TPLF ayaa aqbashay in hub ka dhigis lagu sameeyo, taasi bedelkeedana ay dowladdu dib u fasixi doonto adeegyadii dowladda ee gobolkaasi.

Colaadda waqooyiga Itoobiya ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof, iyadoo mallaayiin kale ay ku barakaceen, halka dad badanina ay macluul qarka u fuuleen.